Kaalin Nabadeedda Maansada Soomaalida

Authors

  • Mohamed Abdikadir Daud (Stanza) Somali National University Author

DOI:

https://doi.org/10.70806/85fyfg47

Keywords:

Kaalin, maanso, Soomaali, nabad

Abstract

Daraasadan oo ah warqad cilmiyeed, waxay ku saabsan tahay: fiirinta, faalleynta, faaqidaadda, falkinta iyo falanqeynta guud ee kaalinta ay maansada Soomaaliyeed ku leedahay abuuridda, ahmiyadsiinta iyo adkeynta nabadda, iyo sidoo kale baajinta belaayada, baaska, buyuqbaayuqa, burburka, barakaca iyo basanbaaska ka beerma colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ay muddada dheer la baaxaadegeysay bulshada Soomaaliyeed ee xididka iyo xigaalada isku wada ah.

Daraasadan oo ah mid kooban, waxay u kuurgaleysaa kaalinta ay maansada Soomaaliyeed ka qaadato nabadeynta iyo walaaleynta bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho leh xeerar iyo dhaqan wanaagsan oo ku dhisan walaalnimo iyo wadajir.

Waa cilmibaaris loogu talagalay helidda iyo haabashada kaalinta miiggan, muuqata ee weliba aadka u mudan ee uu maansayahanka Soomaaliyeed ku leeyahay kahortagga colaadaha sokeeye iyo kaladiridda dagaalyahannada Soomaaliyeed.

Wuxuu cilmibaaruhu cilmibaaristan ugu talagalay in ay ibafur iyo indhadillaacsi u noqoto cilmibaarayaasha Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah ee doonayo in ay dersaan guud ahaan cilmiga nabadda, gaar ahaanna kaalinta maansayahanka Soomaaliyeed uu ku leeyahay nabadeynta iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.

Downloads

Published

31/03/2026

How to Cite

Kaalin Nabadeedda Maansada Soomaalida. (2026). Horn of Africa Journal of Social Science, 4(1), 59-75. https://doi.org/10.70806/85fyfg47